Daawo:Xildhibaanada Puntland oo isku raacay Wasiirada cusub in loo ansixiyo qaab wadar ah

puntland

Golaha Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Garowe, waxa ay kaga hadleen qaabka loo ansixin doono Golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqi doono.
Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaa qodobkan, waxayna Xildhibaanada intooda badan isku raaceen in Golaha Wasiirada Puntland si wadar ah in loo ansixiyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo ayaa fadhiga Baarlamaanka ka sheegay in Wasiirada lagu ansixin doono qaab wadar ah, maadaama sidaasi Xildhibaanada ay u codeeyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.