Daawo:Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Oo Khudbad Dhinacya Badan U Jeediyay Dalka Ingiriiska

gulled

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ku sugan dalka Ingiriiska ayaa khudbad dhinacya badan taabanaysa u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas oo u sameeyay munaasabad soo dhawayn ah.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa jaaliyadda uga warbixiyay waxqabadka dawladda mudadii labada sano ahayd ee ay jirtay, waxa uuna ku boorriyay in ay dawladda kala shaqeeyaan horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu joogo Ingiriiska waxa uu kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska.

Himilooyinkeeda tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.