Daawo: Booliska soomaaliyed oo Digniin adag ka soo saray Dilalka Ciidamada ay u Geysanayaan Shacabka Muqdisho.

bariisa

Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal cabdullaahi Xasan Bariise ayaa faah faahin ka bixiyay askar dilal ka geystay Magalada Muqdisho oo Ciidanka booliska gacanta ku dhigeen.
Shir jaraa’iis uu ku qabtay Magalada Muqdisho ayuu sheegay in askar dad rayid ah dil u geystay ay gacanta ku dhigeen,isla markaana ay u gudbiyeen Maxkamada Ciidamada Qalabka sida tallaabo sharci ah looga qaado.

Jeneraal Bariise ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka tirsan ciidanka oo dil gaystay ay baxsadeen, hayeeshee ciidamada booliska ay ku raadjoogaan laguna jiro sidii loo soo qaban lahaa, si sharciga loo horgeeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.