Bosaaso oo noqotay magalada labaad ee ugu amaanka xun iyo Howgal kasocda

Muxu

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa waxay kaalinta labaad ka gashay Magaalooyinka ugu amaanka daran Soomaliya waxaana kaalinta kowaad xaga amni xumada ku jirta Magaalada Muqdisho.

Howlgallo xoog leh oo si xiriir ah uga socda magaalada Bossaso

48d-dii saac ee lasoo dhaafay magaalada Bossaso waxaa si xiriir ah uga socday howlgallo ay wadeen ciidamada Booliska Puntland.

Howlgaladaan oo lagu xaqiijinayo amniga ayey ciidamadu ka fuliyeen waddooyinka iyo xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso.

Dad u badan dhalinyaro looga shakiyey ku lug lahaanshaha falalka amni darro ee ka dhacaayey magaalada ayaa lagu soo qab qabtay howlgalada oo ay ciidamadu sameeyaan habeen iyo maalinba.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen.Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa shir jiraa’id oo uu qabtay dhowaan waxa uu ku sheegay in ciidamo amaanka ay qaadayaan howlgallo lagu beegsanayo kooxaha kasoo horjeeda amaanka magaalada Boosaaso ee mudooyinkii ugu dambeeyay dilalka ka geysanayay gudah magaalada.

Bossaso muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka dhacaayey dilal qorsheysan oo ay masuuliyadooda sheegteen kooxaha argagixisada ah ee Al shabaab iyo Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.