Weriyeyaal BBC-da ka tirsan oo lagu xiray Uganda

bbc

Booliska dalka Uganda ayaa cassimadda Kampala xabsiga ugu taxaabay koox weriyaal ah oo ka tirsan BBC-da.

Weriyashan oo la xiray habeenkii Arbacada aheyd waxaa ay baaritaan ku sameynayay sida sharci darrada ah ee loo iibinaya dawooyiinka dowladda ay ugu talagashay xarumaha caafimaadka.

Afhayeenka dowladda Uganda ayaa codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo si daayo saxafiyiinta,.sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Reuters.

BBC Soomaali oo lixdan jirsatay
Cayaaryahanka Afrika ee 2016
BBC oo 11 luqadood lagu soo kordhinayo
Dhanka kale,bayaan kasoo baxay BBC-da ayaa lagu sheegay inay la xirireen laamaha dowladda ay arrintan khuseeyso, waxaa ay ka dhawaajiyeen inay ka shaqeynayaan sidii ay arrinta uga salgaari lahaayeen.

”Waxa aan la yaabanahay sababta ka dambeysay in booliska ay xiraan weriyaashan, sida aragtideydu ay tahay, waxay dowladda ka caawinayeen inay daaha ka qaadan musuqa ka dhex jiray xukuumadda,” Afhayeenka dowladda Uganda Ofwono Opondo yaa wakaalada wararka ee Reuters sidaasi u sheegay. ” waa in si shuruud la’aan ah loo sii daayo’.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.