Howlgal lagu soo qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay Bariirre

Shabab

Guddoomiyaha Gobalka Gobalka Shabeellada hoose , Maxamed Ibraahim Barre, ayaa sheegay in howl-galkii ka dhacay degaanka Bariirre lagu soo qabtay Malleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo Hubkii ay wateen.

Guddoomiyaha oo u warramayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ay Ciidamada Qalabka sida fashiliyeen werarro ay maleegayeen Kooxda Al-Shabaab, Gacantana ay kusoo dhigeen xubno ka mid ahaa argagixisada.

Howl-galka oo ay Habeen ka hor ka sameeyeen Ciidamadu degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose, ayaa sidoo kale lagu bur-buriyay goobo ay kasoo maleegayeen qaraxyo iyo hagar-daamooyin ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in ay Ciidamadu haatan hayaan Afar xubnood oo ka mid ah nabad-diidka,Hub iyo waxyaabaha Qarxa, kuwaas oo xilligaa isu diyaaraniyay in ay qaadaan weerarro ay ku waxyeelleeyaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay caddaaladda marsiin doonaan.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre, ayaa sheegay in ay argagixisada ka xoreeyeen degaanno badan oo ku teedsan Xeebta, gaar ahaan Dhulka u dhexeeya Marka iyo Muqdisho iyo sidoo kale degaanno badan oo ah hareeraha Laamiga.

Shacabka ku dhaqan Shabeellada hoose ayuu ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamadooda iyo Dowladda lana wadaagaan xogta ku saabsan ka hortagga falalka gurracan ee ay kooxaha argagixsadu ku waxyeelleynayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.