Shir  Sanadeedka Garsoorka Dalka ayaa ka socda Muqdisho

Shir sanadeedka garsoorka Dalka ayaa ka socda Magaaladda muqdisho kaasi oo ay ka qayb galayaan Garsoorayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyadda, Mdaxda Sarsare ee dalka, iyo marti sharaf ka ka socota Qaybaha kala duwan ee Dalka

Masuuliyiin uu ugu horeeyo Ra`iisulwasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed, Gudoomiye ku xiigeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiyaha Maxkamadda sare dalka Baashe Yusuf Axmed, Wasiiro Xildhibaano iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Safiirka Dalka Suudana u fadhiya Soomaaliya , saraakiil ciidanka Xooga Dalka, ururada Bulshad rayidka ah iyo Masuuliyiin kale.

Raisul Wasaara Ku xigeenka JFS Mahdi Maxamed Guled ayaa ka  hadlay Muhiimadda garsoorka dalku u leeyahay hormarka iyo nabad kuwada noolaasho, isaga oo sheegay in cida magac iyo wanaagsaasi samayn kara ay yihiin garsoorayaasha iyo cid kasta oo ka shaqaysa garsoorka.

Shirka ayaa waxa qayb ka aha Barnaamijyo madadaalo ah oo ay samaynayaan kooxda Onkod ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa wacyi gelin wanaagsan u samaysay ka soo qayb galayaasha munaasabadda

Warbixno dhamaystiran iyo Khudbadaha Masuuliyiinta waxaan idiin soo gudbin doonaa dhawaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.