Raiisalwasaare Khayre oo lakulmay Madaxwayne Laftagareen

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen).

Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa sidoo kale shalay waxaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada aqal ee DFS kuwooda kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa iska xog waraystay  xaalladda guud ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo Xildhibaanada u sheegay  in la joogo xilligii loo midoobi lahaa wax u qabashada bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa labadii bishan soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.