Muuqaal:Daawo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Somalia Oo Ka Qayb Galay Shirka Sannadeedka Garsoorka Dalka

mahdi

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho uga qayb galay daah-furka Shir sannadeedka garsoorka dalka oo markii ugu horreysay la qabtay burburkii kadib.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in loo baahanyahy in shirkaan labada maalin ee uu soo socdo ka qayb galayaashu ay ku dadaalaan in ay kasoo baxdo natiijo ka qayb qaadanaysa horumarka garsoorka iyo cadaaladda dalka.
Shir sannadeedka garsoorka dalka oo uu furay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha garsoorka heer Federaal iyo dhamaan hay’adaha garsoorka ee dawlad gobaleedyada.
Qabashada shirka garoorka dalka bilawga sand waliba oo ah mid qaanuuni ah ayaa maanta iyo berri looga hadlayaa waxqabadka garsoorka dalka ee sannadkii tegay, caqabadihii lala kulmay iyo sixitaankooda, qorshaha garsoor ee sannadka bilaawga ah iyo isku xirka qaybaha garsoorka ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.