Daawo:Markii ugu horeeysay oo Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada lagu qabto wasarada caafimaadka

Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa looga hadlay dar-dar gelinta halbeegyada iyo hawlaha tubta ee sannadka 2019.

Kulanka oo ay ka qayb galeen wasaaradaha, guddiyada iyo dhammaan hay’adaha halbeegyada ku leh tubta arrimaha bulshada, ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, oo sheegay in ay muhiim u tahay dawladda hagaajinta iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah bulshada, isaga oo hoosta ka xariiqay in ka ga’antahay tayanta qaab nololeedka mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Sannadkaan 2019 oo ah sannadkii fulinta halbeegyada ku jira dhammaan tubaha qaranka ayaa kulamadii tubaha waxaa loo wareejiyay xarumaha wasaaradaha, waxaana hoggaanka sare ee dawladda ka go’an in xilliga loo qorsheeyay lagu xaqiijiyo halbeegyada tubaha.

Himilooyinka Tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa ka kooban Horumarinta hab-racyada, Istaraatiijiyadda iyo sharciyada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, sare u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha iyo in fursado shaqo loo abuuro mawaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada, in xal waara loo helo barakacayaasha, in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay helaaan adeegyada bulsho ee aasaadsiga ah sida Caafimaad, Waxbarasho, biya nadiif ah iyo Koronto iyo in mawaadiniinta Soomaaliyeed lagu wacyi geliyo diinta, wadaniyadda iyo xuquuqda aadanaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.