Sawiro:Jaaliyadda Puntland ee Ohio oo Taageeray Maamulka Cusub ee Madaxweyne Dani

Xaflad si weyn loo soo abaabulay oo ay ka soo qeybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio, Xafladan oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Puntland ohio waxaa lagu taageerayay isbadalka Maamulka Puntland iyo doorashadii dhawaan ka dhacday halkaasi.

Mudadii ay xafladu socotay qadka Telfoonka waxaa uga soo qeyb qalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilahi Dani oo qurbajoogta Puntalnd ku amaanay doorkooda dhaqaale iyo siyaasadeed oo sida uu sheegay aan la xaqiri karin,

Waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay qurbajoogta Soomaaliyeed gobol walba oo ay ka soo jeedaan in laga qeyb qaato sidii Soomaaliya markale u noqon lahayd dowlad xoogan iyo in lala shaqeeyo maamulada dalka ka jira iyada oo la siinayo talooyin wax ku ool ah.

Masuuliyiintii ka hadlay xaflada oo aad u badnaa ayaa diirada saaray sida loogu bahanyahay in la taageero isbadal walba oo dalka horumar u horseedi kara isla markaana laga shaqeeyo sidii is faham iyo is dhexga bulsho loogu samayn lahaa shacabka Goboladda.

Madaxweyne Dani ayay ku amaaneen doorkiisa bilowgaa ee dhex dhexaadinta Madaxdda dowladda iyo maamulada dalka ka jira iyaga oo ku booriyay in uu ku sii dhiirado taabo galinta howlaha Nabadda.
Waxaa xaflada dhankooda qeyb ka ahaa Fanaanin Soomaaliyeed oo dadka madadaalinayay iyo dhalinyaro soo bandhigtay ciyaaraha dhaqanka.
puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.