Muqaal:Tubta Siyaasada loo dhan yahay ayaa looga Hadlay Shirkii Kenya kadhacay iyo Amniga

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo lagu soo bandhignay qabyo-qoraalka Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka oo faahfaahsan.
Hannaanka dib-u-heshisiinta Qaranka oo qabyo ah, marka lasoo gebegebeeyana la lor gaynayo golaha wasiirrada ayaa muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah la jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin, baahina loo qabo soo kabsasho degdeg ah oo dhan walbo ah iyo isdhexgal bulsho oo damaanad qaadaya isu socod, is aaminaad iyo is ixtiraam.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Halbeegyada ku leh tubta waxa uu faray in ay dardar-geliyaan hawlaha u yaalla si loogu guulaysto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.