Maxaad ka taqaanaa Madaxda Maamulka Jubbaland

yuusf

Madaxda maamulka goboleedka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe waxay isugu jiraan 3 kooxood oo hore u ahaan jirey ama xubno ka ahaa ururo Soomaali ah oo ka hawlgala ama ka hawlgalijrey dalalka Afrikada Bare. Markii dambe raggani waxay ka fallaagoobeen ururadaas, waxayna ku sifoobeen in aay yihiin Jaajuusiin u shaqeeya wadamadii ururada aay mabda ahaan iska horjeedeen.
Ururada raggani aay jaajuus ahaan mudada dheer ugu dhexjiren waxay kala ahaayeen;
1- Ururka Al-Alshabaab
2- Ururka ONLF
3- Ururka Al-Tixaan

Ka dib isbedelkii uu hogaanka u haye Dr. AA ee Geeska Afrika ka dhacay gaarahaan Ethiopia. Ka dib heshiiskii jabhadda ONLF iyo Ethiopia, xarigii CMC iyo isbedelkii DDS, Ethiopia iyo weliba heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Somaaliya, kooxdani waxuu ku dhacay khalkhal waxaana u soo baxday in mustaqbalkooda siyaasadeed mugdi sii galayo.
Kooxdani oo weli taageero ka helaya kooxihii aay saaxiibada ahaayeen ee duufaanta isbedlka la tegey, waxaay markiiba la soo baxeen tabo iyo farsamoyin cusub.
Waxay bilaabeen in aay dagaal qaawan ku qaadaan dowlada federaalka Somaliya iyagoo si fudud ugu biirey, adeegsanayana XISBIKUSHEEGYO qaran dumis ah oo xaruumo ku leh Xamar.
Sidoo waxay weerar ku hayaan maamulka MMC ee DDS iyagoo adeegsanaya hal ku dhegyo ah looma dhama, abaabul qabiil iyo xubno ka tirsan haraagii CMC.
Kooxdan waxaa hadda maamulka JL ku weheliya calooshood u shaqeystayaal u kireysan oo u fuliya ama u fududeeya adeegyada fooshaxun ee arxan la’aanta ah bulshada lagu dulmiyo. Waa rag lagu dabro danta guud ee dadka iyo dalka. Waxay ku shaqeeyaan farfiiqa cadowga Somalida. Waxayna u adeegaan maslaxad dalal shisheeye.
Dhammaan raggani waxay ka simanyihiin damiirxumada iyo qarandumisnimada waana tan keentey in maamulka Jubaland uu la jaanqaadi waayo dowlada federaalka Somaliya iyo higsiga dib u dhiska qaran iyo fidinta hayadaha dowliga ah.
Sidoo kale waa mida sababtey in Jubaland noqoto maamul liita oo aan mideysneyn, xisiloneyn aanan lahayna istraatijiyad siyaasadeed oo bulshadu higsato ama loo hanqaltaago.
Jubaland waxay u baahantahay siyaasad cad oo bulsho, dhaqan iyo dhaqaale aay iyadu leedahay, maslaxadda ummadda Somaliyeedna siisa mudnaanta kowaad.
Midnimo, adkeysi, iskutashi, horumar iyo guul Jubaland.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.