Taagerayaashii Cabdi ilay oo lagu eedeyey khalalaasaha ka jira Jigjiga

mustafe

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jig Jiga ayaa ka hadlay khalalaasaha ka taagan degaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in Koox ka hartay maamulkii hore ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ay ka dambeeyaan dhibaatooyinka ka taagan Jig Jiga iyo guud ahaan degaanada Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaas ay ku raad joogaan, dhawaan ayuu sheegay inuu cadaaladda hor-gayn doono. Shacabka ayuu ka dalbaday in aysan ka qayb qaadan khalalaasaha Jig Jiga si aan loo bur burin degaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.