Dadka Somaliyeed maku baraarugsan yihiin Dhagarta Kooxdii Macalin Gabre iyo Kabiirkooda

Gabre

DADKA SOOOMALIYEED MA KU BARAARUGSAN YIHIIN DHAGARTA AY MALEEGAYAAN ARDAYDII MACALIN KORNAYL GABRE IYO KABIIRKOODA.
Maalmahaan danbe kooxda aan sare ku xusay aad bay mashquul u yihiin waxay dadaal aan kala go,lahayn ugu jiraan habayn iyo maalinba u tafaxaydan yihiin sidii tababarkoodu ahaaba in jilaafooyin hagardaamo u maleegaan qaranka Soomaaliyeed,ayyada oo aan filaayo in dadka Soomaaliyeed aad ula socdaan hadaanta ay la damacsan yihiin shacbiga ayyaga oo doonaaya in ay khaldaan ummadda Soomaaliyeed oo hadda burburkii ka soo kabaneysa in ay adeejiyaan, in hididiilada muuqata ama bidhaamaysa gacmahooda ku burburiyaan mar kale sidii dhacday 1991kii ayyaga oo tumaya durbaan qabyaladeed oo weliba xoogga saaraaya dhalinyarada da,yarta ah oo maskaxdooda la khaldi karo iyo khaaqlayaasha suuqjoogta ah oo shillimo ay ku khayilaan loo qaybiyo, in ay abaabulaan mudaahiraadyo rabshado wata oo ay doonayaan kacdoon dadweyne in ay ku sheegaan.
Haddaba la yaab maleh ee aan idin dareensiiyo waxa ku kalifay,waxay ku ahayd qaadanwaa ayyaga iyo macalin Korneyl Gabre in looga guuleysto doorashadii 02/02/2017,islamarkiiba waxay qorshaysteen ayyada oo uu shirgudoomiye u ahaa Gabre in ayyan dawladaani shaqayn lix bilood wax ka badan, ayyada oo boqol maalmood gaarina waxay bilaabeen mooshin,markii mid fashilmaba mid kale bay abuurayeen mar kastana waa ku guuldaraysanayeen,Macalin Korneyl Gabre mar kasta asaga ayaa tallooyinka bixinaayey in kasta oo dalka laga cayriyey,kharashka baxayana waxaa la daba joogay Emaaraadka,jahawareer iyo filanwaa kale waxaa ku noqday markii ay maqleen Gabre waa xiran yahay,waxaa dhacay si aan ka fiirsasho lahayn oo indha la,aan ah baa mooshin madaxweyne oo Emaaradka lacag looga qaatay loo abaabuley,wuxuu ahaa naflacaarinimo iyo qariskatuurnimo waana kii fashilka ku dhamaaday.
Haddaba akhristayaal waxay la gashay ficilo waali ku dhawaasho ah ama aan ka duwaneyneen,kooxdaan iyo malgaliyahooda Emaaraadka waxay go,aansadeen in ay abuuraan Khalkhal siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne,ayyaga oo aan ku xisaabtamayn in dadka Soomaaliyeed barteen oo il gaara lagu eegaayo ,waxayna bilaabeen arimahaan;-
1-Waxay bilaabeen olole doorasho oo aan waqtigeeda la gaarin,ayyaga oo uga gol leh fursad ay dadka ku dhexgalaan amnigana wax loogu dhimaayo,kadiba ay ka abuuran fursado ay dawlada wax uga sheegaan,si ay xoog uga dhigtaan ay dadka ku khaldaan.
2-Ayyada oo ay muuqatay rajo wanaagsan in dawladu ku guuleysto deyn cafinta waxay abuureen qoraalkii wasaarda maaliyada iyo madaxda dalka ku wajahnaa oo ayyaga oo adeegsaday qayb ka mid ah gudiga maaliyada golaha shacabiga,ujeedaduna ahayd in warbixinta wanaagsan ee maaraynta maaaliyada ee dawladaan adduunweynuhu ka haysto la beeniyo oo aan deynta nala ka cafin,waxayna kala kulmeen fashilaad iyo ceeb.
3-waxay buun aan kala go lahayn ka afuufeen arimaha amniga ayyaga oo sal uga dhigaya kharaxyada iyo dilalka qorshaysan,sow ma oga in argagixisadu dhammaan addunyada oo dhan ka wadaan dilal iyo qaraxyo la mid ah kuwa Ka dhacaaaya Soomaaliya,meel aan qarax iyo dil ka dhicin ee adduunka ah ha noo sheegeen kooxda iyo kabiirkoodu.
4-Ugu danbeyn bal eega inta ay dacaayada ka fureen gudigii dawladu magacawday ee soo celinta iyo badbaadinta hantida qaranka ayyada oo aan ognahay in qayb weyn oo hantidaan ah ku maqan tahay kooxda iyo kabiirkooda oo waali kale ku abuurtay.
5-Aan ku soo gabagabeeyo shirka London ee lagu raadinaayo shirkado maalgashi ee shidaal kayyaga soo saara dacaayadaha raqiiska ah laakiin wax ma garatada lagu khaldi karo oo ay faafinayaan.
Ugu denbayn beeni raad ma leh mana u suuroobeyso in ay dadka Soomaaliyeed khaldaan waxay xoogga saarayaan in ay wax kasta oo dawladu ku dhaqaaqdo ay u sameeyaan waji foolxun,waxay kale oo gacmaha kula jiraan colaada beelaha miyyiga ka socota iyo shirar lagu faafinaayo been aan sal lahyn oo dadka dhexdiisaa siiba Muqdishow.
Haddaba dhalinyarda oo ah in ayyagu leeyihiin mustaqbalka soo ifaaya ee dalka,culumada,aqoonyahanada iyo waxgaradka waa in ay il gaara ku eegaan kooxdaan ficiladooda guracana lagu ceebeeyaa oo aan laga aamusin.
Wa bilaahi Towfiiq,Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.