Wasiirka Boostada oo shirkadaha Isgaarsiinta faray inay qaatan ruqsad shaqo

wasiir

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fartay shirkadaha Isgaarsinta dalka inay qaataan ruqsadda shaqada inta bishan lagu gudajiro.

Mudane Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa tilmaamay in shirkadaha Isgaarsiinta ay heystaan fursad ay ku qaadan karaan ruqsadda shaqada, si loo xoojiyo wada shaqeynta kala dhexeysa Wasaaradda, isla markaana ay u helaan ruqsad ay ku shaqeysan karaan.
Dhinaca kale Wasiirka Boostada ayaa xusay in sanadkan ay dhammaystirayaan dhammaan hawlihii Boostada Soomaaliya, taas oo shacabka Soomaaliyeed u suura galinaysa inay daafaha caalamka ka soo diri karaan Boostada, si fariimahooda ay u soo gaarsto eheladooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.