Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Hiiraan

diyarad

Ugu yaraan 24 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga Cirka ah oo uu howl-galka Ciidanka Maraykanka Afrika ka geystay Gobolka Hiiraan.
War qoraal ah oo Shalay kasoo baxay howl-galka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday saldhig ay argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Shabeelleey oo qiyaastii 22 km Koofur Galbeed ka xigta Magaalada Baladweyne.
Ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ah oo duqeynta kasoo gaaray Dadka Rayidka ah eek u nool goobaha la weeraray, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Africom.
Agaasimaha howl-gallada Afrika ee Africom, Jeneraal; Gregg Olson, ayaa sheegay in ay wada shaqayn dhow leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda Caalamka, si ay loo dhowro Shacabka.
Wuxuu sheegay agaasimuhu, in taxadarku uu yahay qeyb ka mid ah istaraatiijiyadda ay ku duulayaan, weerarrada ka dhanka ah xag-jiriintuna ay sii wadi doonaan, iyagoo kaashanaya saaxiibbadooda bahwadaagta la ah,si horumar looga gaaro dagaalka lagula jira argagixisada Caalamiga ah ee kasoo horjeedda nabadda Soomaaliya iyo tan Gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.