Daawo:Madaxwayne waare oo Diyaaradii uu ku yimid Jawhar aan ka digin isagoo Daaqada kasalaamay

Madaxwyanaha Hirshabeele Maxmed Cabdi waare ayaa waxuu ka qayb galay asago wafti balaaran oo kamida Madaxda Hirshabeele caleemo saarkii Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni. Madaxwayne waare ayaa diyaarddii uu kasoo raacay Garoowe waxay timid Magaalada Jowhar waxaana ka dagay madax ay kamid yihiin Gudoomiyaha Hitshabeele iyo wasiiro.

Madaxwaynaha Hirshabeele ayaa intuu soo istaagay albaabka diyaarada halkaas kasalaamay reer Jowhar waxayna arintaas ka yaabisay Bulshada Jowhar ayakoo is waydiinayaa Madaxwayne Waare Ma Muqdishuu Madaxwayne u yahay Mise Jowhar waa asaga diyaarada uu lasocday Muqdisho ugu sii Gudbay.

Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabeele Saxaafada wax ka waydiisay sababta uu Madaxwaynaha uga soo dagi waayey diyaaradaha iyo waxay kala kulmeen Garoowe ayaa yiri inaysn jirin wax uu ka hadlo mar hadii madaxwaynihii Hirshabeele ee ay wada socdeen uusan ku nagaan Maamulkii uu Madaxwaynaha u ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.