Daawo:Madaxwayne Farmaajo ayaa Raaligalin kabixiyey Kumanaankii qof ee uusan gaariga uga soo dagin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta Muqdisho kusoo laabtay ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u fidiyeen isaga iyo wufuudii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay caleema-saarka Madaxda cusub ee Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey kulamadii miro-dhalka ahaa ee Garoowe uu kula soo qaatay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, culumada, duubabka dhaqanka, waxagardkii iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Madaxwayne Farmaajo ayaa raali galin ka bixiyey kumanaankii qof ee uusan Gaari usoo dagin kuwaas oo saacado badan u taagnaa qoraxda, Madaxwaynaha ayaa yiri markaan arko dad badan oo banan isugu soo baxay waxaan jeclahay inaan dhex maro oo salaam la dhex qaado lakiin markaan ma suurto galin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.