Daawo:Axmed madoobe Dowlada ayadaa wax laga tabanayaa dhaqankii hore mid kaduwan Hal timaado

axmedmadoobe

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe ee ku fashilmay Hogaanka jubbaland ayaa waxuu kusoo laabtay Magaalada kismaayo xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland asagoo ka hadlay Sidii ay u dhacday Caleemo saarkii Madaxwaynaha Puntland, Doorashada Madaxwaynaha Jubbaland iyo Xirirka Dowlada.

Hogaamiyaha jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay Dowlada waxaa looga baahan yahay inay dhaqankii hore dhaqan kabadalan la timaadaa ilaan ayadaa wax laga tabanayaa, dhanka kale Axmed madoobe ayaa sheegay inay doorashada Madaxwaynaha jubbaland ay qabanayno anagoo dhinacna dagaalka uga Jirna dhinaca kalana Codaynayna.

Axmed madoobe oo ah nin Qiyaamo iyo is badal badan ayaa waxuu ilaabay inuu kamid yahay dadka horumarka iyo wanaaga Soomaliyeed kasoo horjeeda waxuuna shacabkii jubbaland ka dhigay miduu Kismaayo ka masaafuriyo iyo miduu dil iyo dhac iskugu daro.

Hadaladaan uu Axmed madoobe ka sheegay kismaayo ayaa waxay ku tusaysaa inuu wali Aqligii qab qab layaasha ka taasulin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.