Daawo:Axmed Madobe oo fashil ka raacaay Magaalada Dhoobley

dhoblay

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta imaan caleemo saarkii Madaxwaynaha Koonfur Galbeed lafta Gareen taas oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxuu kulan laqaatay Waxgaradka Magaalada Dhooblay.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa deegaanka Dhoobley kula kulmay Odayaasha dhaqanka ee deegaanka isagoo sheegay in socdaalkiisa uu laxariiro sidii looga qayb qaadan lahaa dagaalka lagula Jiro Alshabab.

Waxgaradka Dhooblay waxay axmed madoobe waydiiyeen su’aalo uusan jawaab u ahayn oo ay kamid ahaayeen meesha uu ku ogaa Bulshada iyo Magaalada Dhoobley iyo waxa uu ka qabtay intaa uu xukunka hayey waxayna ugu dambayntii sheegeen inay tahay wax laga xumaado markii xukunkaagii dhamaaday inaad Dhooblay u timaado adigoo wax doon.

Kulankaas ayaa Axmed Madoobe waxaa ka raacay waji gabax asagoo wax horumar ah ka qaban Magaalada Dhooblay horayna waxuu ugu fashilmay kulankii uu laqaatay waxgaradka Degmada Afmadow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.