Wafdi kasocda Puntland gaaray Magalada Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda Dowlad goboleedka Puntland,kuwaas oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay, Wafiga waxaa hoggaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cali Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed dhoobo Daareed,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ka socda Puntland oo ahaa kii ugu horeeyay ee soo gaara Magalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa la geeyay Xarunta Madaxtooyada Maamulkaas iyaga oo kulan la qaadan doona Madaxweyne Koonfurgalbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.