Gudoomiye Mursal oo baydhabo uga qayb galaya caleemo saarka Madaxwayne

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta G/ Baay.

Guddoomiye Mursal ayaa lagu wadaa in saacdaha soo socdo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan gudaha magaaladaasi.

Xubnahani ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo beri ka dhaceysa halkaasi.

Ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi, Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa xalay howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.