Madaxweynaha cusub ee Puntland oo maanta xilka la wareegay

Deni

Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore ee Puntland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland ee ku taalo magaalada Garowe.

 

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Ku-xigeenka Cusub Axmed Garaash ayaa maanta Xilalka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne Ku-xigeenkiisii C/xakiim Xaaji Cumar Camey, ka dib Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Garaash ayaa 8-bishan ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Garowe oo ay ku tartamayeen musharaxiin badan oo u kala ordayay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Puntland.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa balan qaaday inuu la imaan doono waxqabad muuqda isagoona wada shaqeyn ka dalbaday shacabka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.