Wasaaradda Caafimaadka Somaliya oo soo gaba-gabeeysay Olole qaliin loogu sameeyay 100 Haween 

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumaadda Soomaaliya  ayaa soo gabagabeesay olole qaliin loogu sameeyay in ka badan 100 Haween ah oo laga qalay Xanuunka isku furanka Hooyada( Obestetric Fistula), oo daawayn iyo daryeel loogu suubiyay ololahaan oo ah kii lixaad oo ay wasaaradda Caafimaadka fuliso lagana fuliyo Isbitaalka Dayniile, iyadoo
kaashanaysa Hay’adaha UNFPA iyo Physicians Across Continents Pac.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka marwo Drs Fawziya Abiikar Nuur oo Hadal ka jeedisay xaflada xiritaanka ololaha ayaa tiri “Waxaa sharaf weyn noo ah haddaan nahay wasaaradda cafimaadka inaan la dabaal degno islamarkaana aragno Dhoola cadeynta iyo Farxada inka badan 100 Haween Soomaliyeed oo ay maanta u soo laabatay farxadii iyo dhoola cadayntii muddo ka maqneed.waxaana sii wadi doonaa rajo abuurka iyo soo celinta farxada hooyooyinka soomaliyeed ee la il daran xanuunka isku furanka Hooyada”

Wasiirada Caafimaadka  ayaa sidoo kale ku bogaadisay Howlwadeenadii ka soo shaqeeyay barnaamikaan, isla markaana amaan u soo jeedisay dhaqaatiirta iyo Mihnad la-yaasha ka yimid Dalka suudaan sida wanaagsan oo ay u fuliyeen ololahaan qalliimada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.