Daawo:Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Al-Shabaab

indho

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Shir Jaraaid oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Nabad diidka Al-Shabaab
General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in maleyshiyaadka ka tirsan Nabad diidka Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan Sharciga.
S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa ugu dambeynti beeniyay Hadal ay si qaldan u turjumeen warbaahinta, kaasi oo ahaa in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada
Ugu Dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan maleyshiyada Al-Shabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.