Muxaadarada Sheekh Kenyaawi oo lashaaciyey Goobta lagu qabanayo

Malyuun oo ah inantii dhaawacu kaso gaarey isbuurashadi ka dhalatay shaley kumanaanki dadweyne ee isuguso baxey muxaadaradi uu ku qabanayey hoolka Sahal ee Muqdisho Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyawi. ayaa xalay sheekha iyo masuuliyiiny ka kala socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ku booqdeen isbitalka Madiino oo lagula tacaalayo xaladeeda Caafimaad.

Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo warbaahinta dowlada kula hadlay isbitaalka ayaa u duceeyay inanta dhaawaca ah ee ay booqdeen, waxa uuna fariin gaar ah u direy dadka baraha bulshada u adeegsadey inanta dhaawaceedu inuu ku yimid ujeedo gaar ah laakiin uu sheegay si kama ah ay ugu dhacday rasaasta dadka lagu kala hagaajinaayey, Isla markaana Jimcaha soo socda koonis lagu qaban doono muxaadardi baaqatay.
Basma Caamir Shakeeti Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in dadka reer Muqdisho isusoo baxoodi shalay ay muujinayso jaceylka Diinta Islaamka ay u qabaan iyo iscafinta oo mowduuca qudbada laxariiro.
Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa gabadha bukaanka ah caafimaadkeeda la wareegtay Wasaaraddu waxkasto ku baxa ka jawaab cad kaso saarey isweydii n la xariirta goorta iyo halka lagu qaban doono muxaadardi shaley baaqatay oo uu shegey dowladu iney diyaarineyso koonis …
Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa 18-ka bishan oo ku beegan Jimcaha soo socoto ku qaban doono garoonka Banadir Stadium degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.