Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya oo sharaxay sababta uu u baaqaday Kulankii

mursal

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay maanta oo Sabti yeelan lahaayeen ayaa dib loo dhigay maalinta Isniinta.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo farriin qoraal loo diray xalay fiidkii ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulan ay yeelanayaan, waxaana ajandaha kulanka lagu sheegay wax ka bedelka Sharciga Hanti dhowrka Guud iyo Xeerka Banggiga Dhexe.

Xildhibaanada lagu wargeliyay in kulanka uu baaqday isla markaana laga dhigay maalinta Isniinta ee soo socota.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha dib loogu dhigay kulanka maanta oo Sabti aheyd ay la xiriirto cabsi laga qabo in kooramka uu buuxsami waayo, maadaama Xildhibaanada ay badi safar ku maqan yihiin.

Sidoo kale waxaa socda qorshe olole loogu sameynayo wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka Guud oo horay u sugayay in cod loo qaado iyo xeerka Banggiga Dhexe oo la doonayo in la bedelo qodob dhigaya in aanu Madax ka noqon karin qof ajnabi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.