Kalfadhigii Afraad ee Aqalka sare Soomaliya ayaa soo xirmay

aqalka sare

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa lagu sheegay in uu xirmay Kal-fadhiga Afaraad ee Aqalka Sare.
Warqaddan ayaa dhammaan Senotarrada Aqalka sare loogu sheegay in uu xirmay Kal-fadhiga 10-ka Bishan Jannaayo 2019-ka, isagoo dib u furmi doono 10-ka Misha Maarso ee isla Sanadkan, sida lagu qeexay go’aankii Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare kulankoodii 14-aad ee qabsoomay 5-tii Bishan Jannaayo.
Go’aankan ayaa loo cuskaday qodobbada 74-aad iyo 23-aad ee Dastuurka ku meel gaalka ah, kaas oo qabo in Goluhu uu Sanad kasta yeelanayo Laba Kal-fadhi, mid kastana uu socon doono muddo Afar Bil ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.