Daawo:Axmed madoobe oo Amar kubixiyey in canshuurta yar ee Afmadow laqaado in lagu wareejiyo

afmadow

Hogaamiyaha Jubbaland oo maalmihii dambe ku sugnaa Degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose ayaa waxuu ku Amray Maamulka iyo Bulshada Afmadow inay soo wareejiyaan Canshuurta Yar ee Laga qaado Magaalada taas oo aan kuba filnayn Baahiyada Kajira Magaalada Afmadow.

Waxgaradka Magaalada Afmadow ayaa waxay ka Horyimaadeen dalabka Axmed Madoobe ayakoo sheegay inuusan waxba ku tarin shantii sano ee lasoo dhaafay, dhaqaalaha soo gala Degmada Afmadow inuusan kaafin baahiyada wayn ee kajira Degmada mana jirto degmo kamida Jubbaland oo Canshuur siisa wasaarada Maaliyada Jubbaland ayeye dhaheen waxgaradka Afmadow.

Degmada Afdow ayaa waxaa kajira Baahiyo badan oo xaga Caafimaadka, waxbarashada iyo Biyaha kuwaas oo Maamulka Axmed madoobe uusan waxba kaqaban hadana isagoo Ciidamo wata uu hunguri ka galay Canshuurta yar ee soo gasha Magaalada Afmadow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.