Ciidamo Mushaar la’aan kacabanaya oo lawareegay saldhiga Boliiska Dhuusamareeb

wariyaasha kusugan Magaalada Dhuusamreeb ayaa waxay sheegayaan Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Saldhigga Booliska Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ciidamadaaasi ay ka mid yihiiin kuwa Booliska Galmudug.

Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan waxaana ay la wareegeen qeybo ka mid ah waddooyinka laga galo saldhigga booliska Magaalada Dhuusa mareeb, Waxaana Socda dadaal lagu xalinayo Sidii Ciidamadaan Gadoodsan looga saari laha saldhigaya Booliska Dhuusamreeb.

Galmudug ayaa waxaa ragaadiyey Qilaaf soo kala dhexgalay Madaxda ugu sareeysa Galmudug iyo dowlada Somaliya waxaana joogsaday deeqihii laga heli jiray Hay’adaha Caalamiga iyo dowlada Federaalka ah ee Soomaliya waana tan keentay in ciidamadaan booliska ah ay cabsho Muujiyaan ayakoo qabsaday Saldhigii Boliiska.

Xaaladda Amaan ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ah Mid qal-qal Ku jirta Maanta , Kadib Markii anteenooyinka is gaarsiinta ay go’een, Gabi ahaanba Maanta ayaa waxaa Hawadaka Maqan Adeegga Isgaarsiinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.