class="post-template-default single single-post postid-51168 single-format-standard">
Gedo Times

Ra’iisalwasaare Ku xigeenka Soomaliya ayaa Jordan Uga Qayb Galay Shir Looga Hadlay is-bedelka cimillada

mahdi

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta dalka Jordan uga qayb galay shir madaxeedka wadamada Carabta oo looga hadlay is-bedelka cimillada adduunka iyo deegaanka.

Shirkaan oo looga dooday hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa kasoo qayb gelay hey’adaha caalamka ee ku shaqada leh deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada.
Dawladda Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha, ayaa dadaal ugu jirta hagaajinta deegaanka.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.