Gudoomiye Yariisow oo Maano Maxamed Caamir Gurigeeda ku Wareejiyey

yariisow

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Maano Maxamed Caamir oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo si sharci darro ah looga haystay Gurigeeda ku wareejiyey oo ku yaalla Degmada Shibis.

Guddoomiyaha Gobolka ,ayaa markii uu eegay dhammaan sharciyadii la soo bandhigay oo soo maray heerarka kala duwan, isla markaana u caddaatay in Maano Maxamed Caamir ay leedahay gurigan, waxuu si rasmi ah ugu wareejiyey furayaasha gurigeeda.
Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bulshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xad-gudubto hantida muwaadiniinta.
Sidoo kale, waxuu digniin u jeediyey dadka ku dacwoonaya sharciyada been abuurka ah ee ku baneysanaya hantida dadka masaakiinta ah in tallaabo adag ay mudan doonaan, gacanta sharciguna gaari doonto.
“Marna ma aqbalayno in Muwaadiiniinta Soomaaliyeed ay guryahooda xoog uga haystaan dad ku dacwoonayo sharciyo been abuur ah, Maamuulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka ku nool Caasimadda”.
Maano Maxamed Caamir ayaa uga mahadcelisay Madaxda Qaranka iyo Guddoomiye Eng. Yariisoow soo celinta Gurigeeda oo muddo badan ka maqnaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.