Top News:Ciidamadii ugu tirada Badnaa oo Magaalada Kismaayo kusoo Noqday

jubaland

Maamlmo kahor bay ahayd markii Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu Magaalada Kismaayo ku soo bandhigay Dhoolatus Ciidan kuwaas oo wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan, Ciidamada ayaa bartamaha Magaalada soo dhexmaray gaar ahaan halka loo yaqaan aargada Magaalada Kismaayo ayakoo wato Gadiidka dagaalka waxayna u dhaqaaqeen dhinac uu shababka kajiro Mgaalada Kismaayo taas oo loo soconayo saacado kayr wax dagaala oo dhacayna majiraan, Ciidamadaan ayaa waxay gareen deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo ku sugnaayeen ciidamo kale.

waxaa kaloo jiray Ciidamo lasheegay inay Afmadow gaareen ayakoo maray dhulka taas oo beenowday sababtoo ah Jidadka soo gala Magaalada Ksimaayo waxaa jaray kooxda Argagixisada Shabab sida kaliya ee lagu tagi karo Afmadow iyo dhoobley waa diyaarad waana mida uu Hogaamiyaha Jubbaland axmed madoobe ku tagay.

Sida ay usheegeen warbaahinta Gedotmes qaar kamida Ciidamadii kabaxay Kismaayo ayaa waxay sheegen inay dib ugu soo laabteen gudaha Magaalada kismaayo waxayna intaas ku dareen Askartaan inay ahayd Dhoolatus balse uusan jirin dagaal lagu qaadayo Shabab, Ciidamadii kismaayo kabaxay intooda badan ayaa waxay kusoo noqdeen gudaha Magaalada Ksimaayo taas oo fashil ku ah Hogaamiyaha Jubbalabnd Axmed madoobe isagoo doonayey inuu qurbajoogta lacag uga qaato deegaan baan ka xoraynayaa shabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.