Daawo:Axmed Madoobe oo loogu Baaqay inuu Casilo intaan Xabsi Loo Taxaabin

axmed madoobe

Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland ayaa waxuu marka hore hambalyo udiray Madaxwaynaha iyo Barlamanka cusub ee maamulka goboleedka Soomaliyeed ee puntland waxuuna Fariin udiray Hogaamiyaha jubbaland  ee ku fashilmay hogaanka Jubbaland Axmed Madoobe.

Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi Maxamed Warsame “Deeq Faandhe” ayaa waxuu sheegay Masuulkii bulshada uu hogaamiyo dhib u horseeda waxuu maraya jidkii uu maray Cabdiwali Gaas iyo mid kaxun waxuuna uga digay Axmed madoobe haduusan xilka kadagin,  Shacabkii uu ku dhibaateyey Magalada kismaayana Cafis waydiisan inay Sharciga Latiigsan doonaan.

Ugu danbayntii Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq faandhe ayaa waxuu udiray Baaq Bulshada Degmada Afmadow oo Axmed madoobe kusugan yahay waxuuna u sheegay inay laxisaabtamaan Aaxmed Madoobe oo waydiiyaan waxa uu uqabtay Lixdii Sano ee lasoo dhaafay iskana ilaaliyaan inuu dhaho Axmed madoobe waxbaan hada kadib iidin qabanayaa Madaama Waqtigiisii dhamaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.