Al-Shabaab lagu dilay Duqayn ka dhacday Shabeellada hoose

diyarad

Ugu yaraan Afar xubnood oo ka tirsanaa Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday Gobolka Shabeellada hoose.

Bayaan kasoo baxay howl-galka Africom, ayaa lagu sheegay in Laba duqayn oo ay Diyaaradahooda oo kaabaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka geysteen Isniintii Todobaadkan Tuulada Baqdaad ee Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dileen Afar ka mid ah Argagixisada Al-Shabaab.
Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay, in duqeyn kale oo Axaddii ka dhacday meel ku dhow degaanka Dheeroow Sanle, ee isla Gobolka Shabeellada hoose lagu dilay Lix xubnood oo ka mid ahaa Al-Shabaab.
Howl-galka Maraykanka ee Africom, ayaa sheegay in duqeymahan ka dhacay Todobaadkan Gobolka Shabeellada hoose ayan dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaarin Dadka rayidka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.