Ra’iisalwasaare Kheyre oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.
“Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.
“Shacabka & mas’uuliyiinta Puntland waxaan ugu baaqayaa in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid”.
Saciid Cabdulaahi Dani ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka maanta ka dhacday Garowe, isagoo Wareega Sedexaad helay 35-cod.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.