Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland oo Hambalyo udiray Madaxwaynaha Cusub ee Puntland

deni

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Soomaliyeed ee Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni.
Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Maxamed warsame “Deeq Faandhe” waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Puntland, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka gar ahaana Maamulka Puntland.
Musharax Deeq Faandhe ayaa waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Puntland in ay ka wada shaqeeyaan taaba galinta iyo hana qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka Puntland.
Waxaa Kaloo Musharaxa Deeq Faandhe Alle uga baryaayaa hoggaanka cusub ee Puntland, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dagaalka lagula Jiro Kooxda Argagixisada Alshabab ee ku dhuumalaysanaysa  deegano kamida Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.