Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Odayaasha Dhaqanka Cadaado Kala Hadlay Dhameynta Colaadaha deegannada Galmudug

wasiir

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Cadaado ayaa marti qaad u sameeyay maanta wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga Nabadeed ee uu hoggaaminayo oo waayahaan ku sugnaa Gal-mudug si ay u joojiyaan dagaallo dhex maray beelo walaala ah.
Wasiika arrimaha gudaha XFS ayaa odayaasha Cadaado ee Marti qaadka ugu sameeyay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Gal-mudug, waxa uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ka guul gaaridda dadaallada nabadda ee isaga wafdiga uu hoggaaminayo ay ku joogaan Gal-mudug.
Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminayo ay baaqi kusii ahaanayaan deeganada Gal-mudug inta laga dhammaynayo colaadaha ka jira deegaanka ee ay isku dilayaan beelaha walaalaha ah.
Wasiir Sabriye ayaa sheegay in marka ay soo af-jaraan colaadaha deegaannada Gal-mudug ee ay xallintooda ku jiraan in ay usoo jeesanayaan xal ka gaaridda is-faham waaga siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaanka maamulka Gal-mudug.
Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Sabriye ayaa waxaa qayb ka ah Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor), wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha, xildhibaan Cabdi kariim Khaliif iyo Taliyahii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.