Maamulka Jubbaland waa Fallaago aan sharci ku Qotamin

yusuf

Sidaay noo xaqiijiyeen sharciyaqaano siyaasasdda ka madaxbanaan maamul goboleedka Jubaland sharci kuma saleysna. Waxayna ku sababeeyeen in uu gebi ahaan meesha ka baxay AXDIGII bulshada Jubaland ku heshiisey.
Axdiga Jubaland waxuu ka kobanyahay 92 qodob. 23 ka mid ah qodobada shurucdaasi ayaa si bareer ah maamulka gacmahiisa ugu masaxay. Waxayse maamulku kaba fakarin ama ogeyn in aay sharci ahaan la burbureen qodobada AXDIGA ee aay jabiyeen.
Ka dib baaritaan dheer iyo xogwareysiyo la xiriira arrintani jiritaankeeda ayaan la yeelaney siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgaradka Jubaland waxayna isku raaceen In aay arrintani dhabtahay.
Sidaa si la mid ah waxaa si aan shaki ku jirin noo xaqiijiye 37 xildhibaan oo ka mid ah xildhibanada Jubaland oo sheegay in maamulka Jubaland uusan wax sharci ah ku dhisneyn hadda.
Dhaqdhaqaaqa RJA waxuu shacabiga iyo dhamaan URURADA isbedeldoonka ah ee Jubaland ku baraarujinaynaa in aay ka tashadaan sidii maamul AXDIGA bulshada ku heshiisay u hogaansan kuna shaqeeya loo dhisan lahaa.
Iskutashi Guul iyo Midnimo.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.