Sawiro:Qalab Caafiimaad oo lasoo gaarsiiyey Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud

Isbitaalka Guud ee Degmada Balanballe waxaa maanta soo gaaray qalab Caafimaad oo ka yimid Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Deegaanka Degmada Balanballe ee ku nool Dibada,
Qalabkaan ayaa ah kuwa hada laga isticmaalo Dunada oo wada casri ah, Dhamaana waxaa gaday Jaaliyadda Qurbaha ee ka soo jeeda Degmada Balanballe, Waxaana laga soo gaday dalka Dibadiisa.

Qalabkaan soo gaaray Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa looga maarmi doonaa Marka lagu shaqa bilaabo 2019 baahiyihii dhanka caafimaad ee ay u baahnayd bulshada ku wada nool deegaanada Galmudug waxaana laga maarmi doonaa safiirkii Muqdisho iyo Meelaha kale loo aadi jiray.

Maamulka iyo Bulshada Degmada Balanbale ayaa waxay umahad celinayeen JaaliyaddaDibada ee soo gaarsiiyay Qalabkaan, Waxaana leeyihiin waxaad mudan tihiin Ku dayasho wanaagsan.
balanbal

balanbal

balanbal

balanbal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.