Kulankii Axmed Madoobe iyo qaar kamida Odayaashaya Beesha Ogaadeen oo Fashil Kudhamaaday

axmedmadoobe

Kulan Casho Ah Oo Ay Xalay Gudaha Magaalada Kismaayo Ku Yeesheen qaar kamida Odayaasha Beesha Ogaadeen Iyo Madaxaweeyhana Jubaland Ayaa Is Afgaran Waa Ku Soo Idlaadey Kadib Markeey Odayaashu AXmed Madoobe u Sheegeeen In Uu Ku Fashilmey Hogaanka Jubaland Ayna Kana Dalbadeen In Uu Baneeyo Kursiga Si Loo Helo Xal La Iskugu Soo Dhaweeynayo Beelaha Wada Dega Jubaland Oo Uu Axmed Madoobe Kal Hore Dhex Dhigey Colaado Iyo Kala Shaki.

Waxaa kaloo Odayaashaan u sheegeen Axmed madoobe haduu ka taansulo Kursiga Madaxwaynaha Jubbaland inay keesanayaan Musharaxiin ay ka iibin karaan Bulsha waynta Jubbaland si ay ugu Guulaystaan Doorashada Soo socota ee Madaxwaynaha Jubbaland.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madobe ayaa ku gacan sayray Dalabkii Qaar kamida Odayaasha Dhaqanka Beesha Ogaadeen isagoo sheegay inuu Kismaayo ku Qabsaday Dagaal sidaas darted uusan si fudud kursiga uga dagayn.

Odayaashii dhaqanka ee Beesha Ogaadeen ayaa waxay iskaga Dareereen Gogashii Cashada ahayd ayakoo Axmed madoobe u sheegay inay kala duwan tahay Xiligii aad kismaayo Timid iyo Maanta Beesha Ogaadeena aysan kugu taageerayn Qalad Dambe iyo colaad aad usoo Jiido Beesha Ogaadeen.

Bulshada Jubbaland ayaa waxay dalka dibadiisa iyo Gudahiisa kawadaan dhaq dhaqaaq isbadal Doona oo looga soo horjeedo hogaanka sare ee Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.