Top News:Xaalufinta Dhirta Axmed Madoobe oo Keentay in lawaayo Geed laharsado

axmed dhuxul

Xaalufinta Ahmed Madoobe Uu Ku Hayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa Waxaa la waayey Geedihii Xoolaha iyo dadka ay harsan Jireen kuwaas oo loo badalay Dhuxul taas oo laga dhoofiyo Dekada Magaalada Kismaayo waana insha kaliya ee Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo kooxda Argagixisada Shabab Dhaqaalaha ka helaan.

Markii ugu horeysay waxaa la helay sawir xaalad xun ka muujiyey jiritaanka dhirta wawayn ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sawirkaan Waa geed ku yaalo gobolka Jubbada hoose wuxuuna ahaa geed ay inta badan harsan jirtay hooyo reer miyi ah kahor inta aan laamaha geedka laga jarin, iyadoo ku waabariisatay geedkii oo murduxan.

Geedkaan ayaa laga jaray laamaha waxaana laga reebay jirridda hoose si loo gubo kadibna dhuxul looga sameeyo, Waa xaalada dhabta ah ee ka jirto deegaanada inta badan ay ka socoto xaalufinta dhirta, waana nasiib darro haysato Somalia hadii aan kahortag caalami ah lagu sameyn.

Guud ahaan waxaa la dabar jaray geedihii waawaynaa ee Jubaland iyagoo loo adeegsaday dhuxul ay dhaqaalo fara badan ka sameeyaan Alshabab iyo maamulka jubaland taas oo ah mid lagu burburiyo Somalia sidoo kalana amaan darro baahsan loogu gaysto ummada Soomaaliyeed ee goboladda dalka.

Dowlada Soomaliya iyo hay’adaha Caalamiga ayaa waxay wadaan sidii looga hortagi lahaa Xaalufinta dhirta Axmed madoobe kawada Jubbaland iyo guud ahan dalka Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.