Sawiro:Wasiirka Beyle iyo Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo kulmay

bayle

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Maanta la kulmay Wasiirka wasaaradda maaliyadda mudane, Dr; C/raxmaan Ducaale Bayle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda mudane, Maxamuud Xayir iyo mas’uuliyiin kale.
Guddiga iyo Madaxda Wasaaradda ayaa ka wada hadlay dardar gelinta miisaaniyadda Dowladda 2019 iyo ka faa’ iideysiga waqtiga kooban ee haray.
Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamuud Siraaji ,ayaa sheegay in ay muhiim tahay in waqtiga haray lagu qabto arrimaha la xiriira miisaaniyadda.
Sidoo kale waxa uu wasaaradda maaliyadda ka codsaday in guddigooda ay kala shaqeeyaan sida waqtiga haray golaha Shacabka loo hor-geyn lahaa miisaaniyadda Dowladda 2019 ,si dib u dhac uusan u imaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.