Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa kusoo wajahan bari Gedo ayagoo kusii Jeeda Bu’aale iyo Kismaayo

Ciidamadamo tiradooda lagu qiyaasay 3000 Kun watana dabaabadaha Dagaalka oo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay ka soo gudbeen deegaanka Nageyle ee gobolka Liibaan kana mida Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Ciidamadaan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo wajahanyihiin Degmada Doolow ee Gobolka Gedo waxayna uga sii gudbi doonaan Baardheere ayakoo kuwajahan Magaalada Buu’aale ee Xarunta Maamul Goboleedka Jubbaland waxayna uga sii gudbi doonaan Kismaayo.

Taliyaha Qabyta 43aad General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa dhawaan waxuu uga dhawaaqay Magaalada Garbaaharay ee Gobolka Gedo inuu kooxda Alshabab ka xorayn doono Deegaanada Jubbaland ee ay wali kusugan yihiin gaar ahan Xarunta Maamul goboleedka Jubbaland ee Buu’aale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.