Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay

laftagareen

Madaxweynaha cusub Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay Xilka hoggaanka Koofur galbeed oo Xildhibaanada maamulkaasi dhawaan ay u doorteen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dawlad goboleedka Koofur galbeed Mudane C/qaadir Shariif Shiikhuna oo ahaa Ku-simaha Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Xilkaasi Mudane C/casiis Lafta gareen.
Munaasabadda Xil wareejinta oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dawlad goboleedka Koofur galbeed ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha cusub Dawlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa u mahad celiyey Madaxdii hore ee maamulkaasi, isaggoo tilmaamay in shaqada ugu horreyso ee u taalla ay tahay dardar gelinta howlaha amniga lagu xaqiijinayo.
“Waxaan maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxweynanimo ee Koonfur Galbeed kaas oo uu ku sime ka sii ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KG Cabdiqaadir Shariif Shiikhunaa Maye”
“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan madaxdii hore maamulka halkaan soo gaarsiiyey howsha, waxaan rabaa dardargelinta howlaha muhiimka ah ee na hor yaallo oo ay ugu horreyso amniga in aan si wadajir ah wax uga qabano”
“Waxaan shacabka reer koonfur galbeed ugu baaqayaa in si cadaallad ah aan ugu shaqeyn doono, taasi oo horey la iigu dhaariyey la iguna doortey” siddaas ayuu yiri Madaxweynaha koofur galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.