Daawo:Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda golaha shacabka oo maanta guddoon cusub doortay.

siraaji

Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacday doorashada Guddoonka Guddiga Maaliyada, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka.
Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.
Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo doortay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Guddoonka cusub ee Guddiga kula dardaarmay iney si deg deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.