Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii kadhacay Kaxandhaale Gadiid lagu qabsaday

dagaal

Wararka ka imaanayo deegaanka kaxandhaale ayaa sheegayo in Halkaasi uu saaka ka dhacay Dagaal kaas oo ay soo qaadeen maleeyshiyaad Beeleed kasoo duulay Baraxlay iyo Galinsoor, Dagaalkaan ayaa waxaa ka dhashay Khasaare soo Kala Gaaray dhinacyada dirirtu u dhaxayso.

Waxaana la soo Warinayaa dhimashada iyo dhaawac inay ku dhowdahay 40 qof waxaana maleeshiyaadkii kasoo duulay Galinsoor iyo Baraxlay dib loogu ceshay deegaandii ay kasoo duuleen , Labo gaari oo ah kuwa dagaalka ahna laga gubay mid kalana laga qabsaday.

Waxgaradka iyo xidhibaanada Galmudug ayaa waxay wadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in dagaalkaan oo kale mar dambe deegaanadaan dib uga qarxo.

Wararkeena dambe kala socda warar dheeraad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.