Jahwareer Dhaqaale iyo Sicir Barar ka taagan Magaalada Kismaayo

Sicir barar Balaaran oo saameyn ku yeeshay maciishada quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa ka jira Magalaada Kismaayo ee Xarunta Ku meelgaarka ah ee Maamulka Jubbaland, kadib markii Ganacsatadii iyo dadkii dhaqaalaha haystay iskaga tageen Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxaa isugu darsamay Shabab oo Jidadkii ka xiray iyo Siyaasad Xumada Axmed Madoobe taas oo kaliftay inuu xumaado Xirirka Axmed Madoobe iyo Bulsha waynta Jubbaland waxaana sarakac ku yimid qaymaha lakala Siisto Raashinka, shidaalka iyo qalabka Dhismaha.

Waxaa kaloo qiima korar kii ugu darnaa laga dareemayo Shidaalka oo ay bulshada isticmaasho, waxaana dadka danyarta ah ee halkaasi dagan ay yihiin kuwa hada cabasho ka muujinaya sarakaca Shidaalka oo kalifay inuu yaraado isticmaalka Gadiidka Magaalada Kismaayo.

Dadka Danyarta oo ka mid yihiin indhoolayaasha, Curyaamiinta, Wayeelka ,Caweenka iyo Caruurta ku nool Kismaayo ayaa sheegay in ay yihiin kuwa aad u dhiban isla markaana aan helin wax gurmad aadaminimo ah iyagoona dalbaday in gar gaar lala soo gaaro.

Magaalada Kismaayo waxaa iska cararay Xildhibaano katirsan Maamulka Jubbaland oo u adkaysan waayey Dhibaatada Axmed madoobe ku haya Shacabka Jubbaland ee kusugan Kismaayo, waxaa kaloo Laga Masaafuriyey Kismaayo Odayaal dhaqameed, Waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween iyo wariyaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.