Ra’iisal wasaaraha dalka oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka

Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah.
Xilligii uu Ra’iisul waasraha ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadad Soomaaliya oo halkaasi ka waday shaqa Maalmeedkooda Is-xilqaan, taasoo qayb ka ah qorshaha ay hay’adaha Dowladda kaga qayb qaadanayaan ololaha Is-xilqaan oo uu Madaxweynaha JFS ku dhawaaqay.
Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisal wasaare Kheyre u kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka ayaa waxay tahay inuu u kuurgalo howsha is-xilqaan iyo siday u socoto,wuxuuna warbixin ka dhageystay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo Injineerada wax ka dhisaya xarunta.
Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin inuu soo booqdo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya xilli ay ku guda jiraan howsha is-xilqaan ee dib loogu dayactirayo Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka,islamarkaana uu Ra’iisal wasaaraha qeyb ka noqdo barnaamijka is-xilqaan ee maanta ka socoto xarunta Tiyaatarka Qaranka.
Waxaa meel wanaagsan maraya dib u dhiska iyo dayac-tirka golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan la billaabay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.